DAAWO: Gabar yar oo lagu kufsaday Cadaado iyo Kufsiga oo noqday mid Mashruuc ah….AKHRI

Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 21-aad ee Gobolada dhexe ka howlgasha kaas oo lagu Eedeeyay inuu Kufsi u geystay Gabar Lix Sano jir ah.

Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Cadaado Cumar Macalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gabadha yar lagu kufsaday Guri ku yaalla Duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

“Alle ayaa Mahad leh Hadda gacanta ayaa lagu hayaa Dambiilihii Sharciga ayaana la marsiin doonaa, 30 Nin ayaa haddaii lagu dhex daray ayaa la yiri ka soo saar Gabadhii yareyd ee la Kufsaday weyna Aqoonsatay oo waa ay soo saartay,haddana Booliska Galmudug ayuu u Xiran yahay”ayuu yiri Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Cadaado Cumar Macalin.

Dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan kufsiga maalmihii dambe ku soo badayay Soomaaliya in uu noqday mid Mashruuc ah oo ay wataan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)