DAAWO: Farmaajo oo ku guuldareystay In Safaarada Itoobiya uu ka raro madaxtooyada & Qorshaha Itoobiya oo hallis ku ah jiritaanka Soomaaliya (Akhri)

Dowladda Itoobiya ayaan wali badalin siyaasadeeda Soomaaliya xili la filayay in hogaanka cusub ee Soomaaliya uu meesha ka saari doono qorshahoodii ay la damacsanaayeen dib udhigida Soomaalida mudo dheer.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha haatan ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa soo baxayay warar sheegayay in Itoobiya ay ku adkaan doonto iney saameyn kusii yeelato Soomaaliya.

Saxaafada ayaa si weyn uwarisay in xataa Itoobiya lagu qasbay in safaaradeeda magaaladda Muqdisho laga rari doono madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka umadda Soomaaliyeed looga taliyo.

RIIX HALKAN: DAAWO SIR BUUXDA

Laakiin arintaas oo la filayay iney dhaqan geliso dowladda cusub ayaanan wax muhiimad ah laga soo qaadin taas oo ka dhigeysa in Itoobiya ay wali danaheeda sida ay rabto uga fuliso gudaha dalka.

Hadaba Waa Maxay Sababta keentay in SAFAARADA Itoobiya laga rari waayo madaxtooyadda?

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in qorshaha uu safaarada Itoobiya ay ugu guureyso madaxtooyada ay adag tahay in xiligan uu dhaco afar sababood gudahood.

RIIX HALKAN: KU LAABO BOGGA KOOBAAD & WARAR DEG DEG AH

1- Safaarada Itoobiya oo aan dooneyn iney ka guurto fadhiga ay ku leedahay madaxtooyada.

2- Madaxda Soomaaliyeed oo aanan ku dhiira karin iney ku amraan iney safaarada ka raraan madaxtooyada.

3- Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo difaac u ah In Safaarada aanan laga rarin halka ay degan tahay.

4- Itoobiya oo sheegtay in sababta aysan safaaradeeda uga rareyn Madaxtooyada ay ugu weyn tahay ineysan haysan meel kale oo ay ku xaqiijin karto amaanka shaqaalaheeda.

Si kastaba iyadoo arimahaas ay jiraan ayaa hadana dadka waxaan shaki ugu jirin in Itoobiya ay ku dadaaleyso iney halkeeda kasii wado fara gelinta Soomaaliya xataa hadii uu Farmaajo madaxtooyada joogo.

Xogta aan helnay ayaa muujineysa in qorshaha ugu weyn ee ay haatan Itoobiya fulisay ay yihiin kuwa ay ka gaareen guushii ay doonayeen.

Arimaha ay Ilaa haatan Itoobiyaanku ku guuleysteen waxaa kamid ah

1- Iney sameeyeen safiir cusub oo Soomaali ah kaas oo heli kara xogta dhabta ah ee Soomaalida.

2- In Wasiirada Cusub ay ku yeeshaan saaxiibo Cusub oo ay mudo dheer wada shaqeynayeen.

3- In Madaxweyne Farmaajo uusan waxba uga duwaneyn madaxdii hore ee ay saaxiibada la ahaayeen maadaama uusan ku dhiira karin inuu ka hor yimaado qorshahooda.

Xagee ku danbeeyay Jenaraal Gabrr?

Xildhibaan Prof Zakariye Xaaji ayaa maalintii doorashada farta ku fiiqay in laga dhabeeyo in Itoobiya loo muujiyo in Soomaallidu tashatay, isagoo markaas si gaar ah ugu dhaga hadlayay Janaraal Gabre.

Laakiin sedex maalin kadib doorashadii dhacday, Gabre ayaa kamid ahaa wafuud caalamka ka socday kuwaas oo booqasho ugu tagay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, kamana aysan muuqan wax saameyn gaar ah.

1

AKHRI: Muxuu Qabanayaa Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

In kastoo Itoobiya ay ka wal walsaneyd isbadalka dhanka shacabka ah ee dhacay iyo banaanbaxyadii ka dhacay gobollada Soomaaliya, hadana Janaraal Gabre ayaanan ka bixin gudaha Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gabre uu wali yahay ergeyga Itoobiya ee arimaha militeriga walina uu sii wato howshii uu ka hayay Soomaaliya.

Si kastaba, Itoobiya oo cadow soo jireen ah ku ah Soomaaliya ayaa wali dooneysa iney ka shaqeyso sidii Soomaaliya aysan u yelan laheyn dowlad xoogan oo leh awood militeri iyo mid dhaqaale.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. Soomaali RUN AH says:

    WARBAAHINTA INBADAN OO KAMID AH AYAA MOWQIFKEEDAAS ITOOBIYA SIDADBAN UGU TAAGEERAYA IYAGOO HOGAAN KASTA OO SOOMAALIYA YEELATO DICAAYAD KAHORGEEYA SI AY UFASHILANTO

  2. cali macalin says:

    asc nin abeeso koriyow adigaa u aayi Ethiopia waa cadaw soo jireen ah madaxtooyadaada ha degenaato waa adhax jab gabre weli joogana ka sii daran dareenkii waddinimad
    u mee !?

  3. walid says:

    Maxay hadaa dowladu dagaalo kale iyo waxyaabo kale ugu mashquulsan tahay hadiiba Abeeso raarka badaxtooyada ujiifto aysan ka saari karin sow iyaku isma sii dabrayaan waa inay marka hore iska saaraan dhiig miiratada dhex joogta

  4. cali says:

    Ithiopia marhore ayey kaguurtey villa somaliya ee warka aad qoreysaan waa qalad iyada iyo jabouti labo maalin ayey kala dambeeyeen.eetaas lasocda

  5. ali says:

    ITHIOPIA INAY SOOMAALIYA KU FASHILANTAY SIYAASADEEDII WAXAA KUU DALIIL AH INAAD INDHAHIINA KU ARKAYSAAN ,Iyagoo ciidamadoodii kala baxaya wadankeenii .marka Daahir warar macquul ah soo qor ,dad badan oo noocwalba leh ayaa aqrisanaya .sumcadaada ayay wax udhimaysaa hadaad qorto war aan jirin.waa igatalo

  6. Sumuulmal says:

    ????SAFARAADA ETIOPIA WAA IIN LAGAA RAROO VILA SOMALIA PRONTO. Maskaax gaal maha inn cadoow sojireen aah iin madaxtowda Jogaan.Aweel waxanahay jahiilin hadana Wadaaniyiin.#QuruunGabre out of SOMALIA.Haladilo. 😠AR GABRE HALLA IDILOO WAALAGU DILLI😡😡😡😡😡