DAAWO: Farmaajo iyo Maamul goboleedyada oo iska indho tiray Lix Qodob oo muhiim u ah qaranimada Soomaaliya

Madaxweynaha DFS ayaa heshiis ka koobnaa 15 qodob la galay maamul goboleedyada kadib wadahal socday mudo labo maalin ah.

Hase ahaatee Qodobadii la filayay in natiijo rasmi ah laga soo saaro ayaa lagu badalay kuwa kale oo aysan shacabka Soomaaliyeed waxba kala socon.

Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in maamul goboleedyad ay diideen qodobada qaar ee shirkaas looga hadlay halka kuwa kalana aysan madaxtooyadu soo hadal qaadin.

Arimaha ay maamul goboleedyada ka diideen DFS ayaa waxaa kamid ah iney si gaar ah umaamulayaan dhaqaalaha kasoo xarooda deegaanadooda.

RIIX HALKAN: DAAWO QODOBADA LA ISKU KHILAAFAY

Sidoo kale maamul goboleedyada ayaa usheegay Farmaajo inuusan soo fara gashan Karin heshiisyada ay la galayaan wadamada caalamka maadaama gaar uu uyahay deegaanada ay maamulaan.

Waxaa gabi ahaanba la isku garan waayay arinta heshiiska Imaaraadka uu kula wareegayo dekadaha Boosaaso iyo Berbera iyo qorshaha uu ka leeyahay awooda militeri ee ay ka sameysanayaan Soomaaliya.

Sidoo kale dowlad goboleedyada ayaa madaxweyne Farmaajo ku celiyay go’aankiisii ahaa in shirka London ay ka qeyb gasho oo kaliya dowladda dhexe ee Soomaaliya, laakiin waxaa haatan uu maamul walba xaq ulahaanayaa in kulankaas uu aado.

RIIX HALKAN: DAAWO QODOBADA LA ISKU KHILAAFAY

6 Qodob oo kale oo ay aheyd in Go’aan laga soo saaro

Dad badan ayaa shaki gelinaya tayada qodobada lagu heshiiyay iyo kuwa ay aheyd in madaxda dalka ay go’aano kasoo saaraan.

1- Maqnaanshaha Somaliland ee shirka London, oo dadka qoloba wax u fasiratay.

-2- Saldhiga Militari ee Imaaraadku Berbera iyo mashruucyada aan la ogeyn ee Boosaaso.

3- Soomaalidii lagu duqeeyay xeebaha Yeman. Ugu yaraan lama xoojin in la dalbado baaritaan heer caalami ah ama in la aaso dadkii geeriyooday oo wali talaajadaha ku jira.

4- Hashiisyada shidaal iyo kuwa maalgashi ama ganacsi ee la gelo oo ay maamul goboleedyada kali ku yihiin.

5- Burcadbadeeda oo soo laabatay oo ay aheyd in madaxda dalka ay go’aan ka gaaraan.

6- Sidoo kale madaxdu kama aysan hadlin halista Ururka Al-saadicuuna Bil-xaq oo dhawaan looga dhawaaqay gudaha dalka iyo wadamo kale.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)