DAAWO: C/weli gaas oo shaaciyey siduu ula dhaqmi doono MD Farmaajo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo maanta kusoo noqday magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri ayaa ka hadlay Doorashadii Madaxwaynaha Soomaaliya iyo sida ay ula Dhaqmi doonaan.

“Hadaanu Puntland nahayna waxaanu madaxweynaha cusub ka balqan qaadnay inaanu si dhow ula shaqeynayno, wixii talo ah iyo wixii tusaale ahna aan ku biirin doono, kuna soo dhoweyn doono wakhtiga ugu dhow in uu ku yimaado Puntland”.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay geerida Alle ha u naxariistee madaxwaynihi hore ee Puntland Cadde Muuse oo dhowaan lagu Aasi doono Boosaaso.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)