DAAWO: Ciiidamada DANAB oo la wareegay Amaanka Madaxweyne Farmaajo iyo kuwii AMISOM oo…

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa bedelay ciidamadii AMISOM ee ilaalada u ahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dalbaday in ciidamada kumaandooska Soomaalida ee DANAB iyo kuwa Gaashaan ee nabadsugidda ay sugaan ammaankiisa halkii ay AMISOM wakiilka ka ahaan jirtay.

Ciidamada AMISOM ayaa doorkoodu ku ekaan doonaan inay dusha ka ilaaliyeen madaxweynaha sida waajibaadkoodu yahay, waxaana la arkayay ciidamada Kumaandooska oo sugaya ammaanka madaxweyne Farmaajo oo dhaqdhaqaaqiisii ugu horeeyay ka bilaabay Madaxtooyada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)