DAAWO: Ceebtiisa Ayuu Soo Bandhigay Markii Uu Goolka Dhaliyey, Ciqaab Ayaanu Mari Doonaa

Farxaddii ayay xamaasaddu ka tan badatay, waxaana celin waayey damiirkiisa, taas oo keentay inuu bilowgiiba tuuro garanka, kuna xigsiiyo nigiskii oo uu gaadhsiiyey meel ay muuqanayso qaybo ka mid ah ceebtiisa, taas oo keentay in dunida oo dhan ay hadal hayso.
Raul Bobadilla oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa waqti dambe gool u dhaliyey kooxda Club Guarani oo 3-2 ku garaacday Libertad oo ka wada dhisan waddanka Paraguay, kuwaas oo toddobaadkii hore wada ciyaarayay siddeed-dhamaadka Primera Division.

Muuqaal ay kaamirooyinku ka qabteen Raul Bobadilla ayaa malaayiin jeer ay dunidu daawatay, waxaana layaabku ay noqotay in garsooraha ciyaartu aanu xataa ku ciqaabin waallida uu ciyaartoygani sameeyey oo la rumaysnaa inay ahayd kaadh cas  oo toos ah iyo ganaax loogu daro.

Raul Bobadilla oo hore ugu ciyaari jiray kooxda Borussia Monchengladbach ee waddanka Germany, ayaa  warbaahinta gudaha u sheegay inuu ka qoomamoonayo wixii uu sameeyey.
“Waan ka qoomamoonayaa dabbaal-deggayga. Waxaan rajaynayaa in aanay xaaskaygu arag muuqaalka.” Ayuu yidhi Raul Bobadilla oo intaa ku daray: “Way iska degganaan doontaa. Iyada ayaa iska leh.”

Inkasta oo uu Raul Bobadilla  cudur-daar bixiyey, haddana xidhiidhka kubadda cagta Paraguay ayaa waxa uu baadhitaan ku bilaabay laacibkan, iyagoo ka duulaya falcelinta laga sameeyey muuqaalkan.

Raul Prono oo xubin ka ah xidhiidhka Paraguay ayaa yidhi: “Waxaanu bilownay dacwad rasmi ah, wali maanaan helin cabasho qoraal ah, garsooruhuna waxba nooma soo gudbin. Laakiin waxaanu macluumaadka ka helnay Internet-ka, wargeysyada, waxaanay nagu riixeen inaanu furno kiiska.

Dr. Raúl Prono, Tribunal Disciplinario de la APF: “Abrimos un sumario en contra de Raúl Bobadilla, ya notificamos al jugador” #PeligroDeGol por @ABCTVpy pic.twitter.com/pCxXgvj2Xc
— Bruno Pont (@BrunoPont) December 29, 2020