DAAWO: Barlamaanka P/Land oo dalbaday in Dastuurka Maamulkaas laga saaro Gaalkacyo, Sool & Sanaag

Xildhibaanadda Maamul goboleedka P/Land ayaa dood adag ka yeeshay arimaha amaanka deegaanada maamulkaas, waxaana ay soo jeediyeen qodobo xasaasi ah.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii ka hadlay kalfadhiga barlamaanka Puntland ayaa ku baaqay in si deg deg ah dastuurka Puntland looga saaro magaaladda Gaalkacyo iyo gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Buuhoodle iyo deegaanada kale ee gobolkaas.

“Hadii wax loo qaban waayay oo ay heli waayeen xaquuqdii ay lahaayeen Puntland=na aysan gacanta ku hayn waxaan ku talineynaa in dastuurka laga saaro danahooda haka tashtaane”ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada goobta ka hadlay.

Gaalkacyo ayaa ah magaallo marar badan ay kusoo laabteen colaado udhaxeeya Galmudug iyo Puntland halka gobolka Sool ay ku xoogan yihiin Somaliland.

Hoos ka daawo Dooda


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)