DAAWO: Axmed Madoobe oo ka hadlay Xariirka DFS & Maamul goboleedyada & Heshiiskii Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in uu yahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka in u ka dhaxeeyo wada shaqeyn iyo wadatashi, mar walbana ay ka wada hadlaan waxyaabaha soo kordha.

RIIX HALKAN: DAAWO VIDEO

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadlaan mar walba arrimaha ammaanka, maadaama Dowladda Federaalka iyo Maamulada Hoose ay Dagaal kula jiraan Shabaab.

Hadalkan ayuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland kadib markii shalay uu dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, isaga oo ka tagay Magaalada Muqdisho oo uu uga qeyb galay shir.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)