Daacish Oo Lacag kaga Heshay Safarka Farmaajo Ee Gobolka Bari iyo Dalaaliinta Ka Dambeysay

Maleeshiyada Kooxda Daacish Ee kusugan Soomaaliya gaar ahaan Deegaanada Puntland ayaa Beyco ama Heshiis la gashay Mas’uuliyiinta Pintland.

Kooxda Daacish ayaa waxa ay ka joogeen deegaanada Puntland Gobolka Bari Qeybo badan waxaana la aaminsan yahay in Lacago ay ku qaateen inaysan Wafdiga Madaxweyne Farmaajo Arbushaad ku sameynin.

Daacish ayaa Dalaaliin la sheegay inay Madaxda Puntland ku jiraan ay lacago ugeeyeen dhawaan si aysan weeraro uga fulin Gobolka Bari inta Madaxweynaha uu socdaalka ku marayo Deegaanadaasi.

AF WAX CUNAY XISHOO!!!

Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa si aan loo dareemin Dhaqaalahaasi ay Daacish Siisey waxay saxaafada usoo bandhigtay in Askar badan lagu Taxay Deegaanada uu Farmaajo Safarka ku marayey.

Waxa Ciidankaasi ay Puntland ku sheegtay inay Amniga sugayaan xilli la og yahay Buuraha Gal gala ay Argagaxisadu ka buuxaan ayna wax badan ku qaadaneyn weeraro ay ka geystaan Boosaaso iyo deegaanada Kale Ee Gobolka Bari.

Is Fahamka Hogaanka Puntland Ee Gobolka Bari iyo Maleeshiyada Daacish ayaa waxa uu xitaa salka ku hayaa Qaab beeleed oo loogu maray Saraakiisha Kooxda Daacish.

Maleeshiyada Daacish Ee ka dagaalanta Puntland waxaa hogaamiya Sheekh C/qaadir Muumin oo ah Wadaad xitaa isku soo taagay Qabashada Hogaamiyaha Ugu sareeya Daacishta Caalamka balse laga hor istaagay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay