Daacish Oo Fal Layaab Leh Kula Dhaqmaya Dadka ku Safraya Deegaanada Hoostaga Maamul Gobolleedka Puntland

Kooxda Daacish Ayaa waxay bilaabeen Qorshe lagu doonayo inay Amniga Deegaanada Puntland ka joogaan ku xaqiijiyaan.

Ciidamada Daacish Ee Gobolka Bari kusugan ayaa waxay ay si gaar ah ula dagayeen Dadka Ku safra Deegaanada Qandala ku dhaw si ay ula socdaan waxay yihiin.

Su’aalo ayaa la weydinayey Dadka Rakaabka ah Ee Baabuurta lagala dagayey,iyadoo lasoo warinayo in Xaaladu tahay mid cabsi ku abuurtay Wadayaasha Baabuurta iyo dadka Safarka ah.

Daacish ayaa raadinayey Dagaalyahano katirsan Shabaab oo ay dagaal kala dhaxeeyaan maalmihii lasoo dhaafay,islamarkaana ay xabadooda isku jeediyey.

Dhawaan waxaa jirtay Todobaadkaan bilowgiisa ayaa waxa dagaal uu ka dhacay Qandala Tuulo kudhaw oo lagu magacaabo Ceel Miiraale oo 70km ujirta Boosaaso.

Al Shabaab iyo Daacish ayaa siyaabo kala duwan waxay Saraakiil uhadashay ay ku dhawaaqeen Dagaalkooda inuu yahay mid cad oo kan kale uu beegsan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here