Codaynta Xildhibaanada oo bilaabatay iyo Prof. Jawaari oo hadal la yaab leh sheegay

Waxaa hadda si rasmi ah xarunta doorashada uga bilaabatay codaynta Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoo maanta lagu wado in ay soo doortan madaxweynaha xigga.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee codkiisa dhiibta. Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/laahi ayaa isaguna noqday musharaxii labaad ee codeeya.

Gudoomiye Ku Xigeenada Labada Aqal oo iyaguna loo yeeray, ayaa codadkooda dhiibtay, waxaana hadda loo ogoladaya Xildhibaanada kale, si ay codadkoodu u dhiibtan.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada ay maanta ugu soo idlaan doonto jewi wanaagsan.

Kow iyo labaatan musharax, ayaa waxay u taagan yihiin jegada madaxtinimada dalka, iyadoona ay macquul tahay in doorashada gaarto illaa saddex wareeg.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)