Ciidanka Xoogga Soomaaliya Oo Shabaab Ka Saaray Goordhaw Deegaano Caan Ah [AKHRISO]

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay la wareegeen deegaano katirsan Gobolkaasi.

Waxaa lasoo sheegayaa in Ciidanka ay La wareegeen Deegaano ku dhaw Baraawe,oo Shabaab ay kusugnaayeen.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in Ciidanka Dawlada ay soo gaareen Duleedka Baraawe oo Shabaabku ay ka maamulayeen,waxaana Xaalku hadda yahay mid deggan.

Warbaahinta Dawlada Soomaaliya ayaa waxay daabaceen in Ciidanka Xoogga Dalka ay Shabaab kala wareegeen Deegaano badan oo ay ka ariminayeen.

Xaalada Deegaanadaasi ayaa hadda deggan oo Ciidanka Meliteriga ayaa jooga meelihii la qabtay maanta oo talaado ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)