Ciidanka Kenya iyo Kuwa Jubbaland Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Caan Ah//Duqeymo Socda

Wararka ka imaanaya Gobalka Jubada Hoose ayaa Sheegaya Duqeymo Culus ay maanta ka socdaan Deegaano ka tirsan Gobalkaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Duqeymahaan ka socada Deegaano hoostaga Degamada Afmadoow Gobalka Jubada Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidankii  Al-shabaab ee Saaka dib looga qebsaday gacan ku heynta Deegaanka Diif.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa Xaqiijiyey in Duqeymahaasi ay fuliyaan Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya kuwaas oo ilaa saaka Cirka ka taageerayey  ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya maanta dib ula Wareegay Deegaanka Diif

Afhayeenka Ciidanka Daraawiishata Jubaland Aadan Geelle ayaa Sheegay duqeymahu ay hada ka socdaan Duleedka Dagmada Afmadoow ee Gobalka Jubada Hoose.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay