Ciidanka Ahlusuna Oo Cusbitaalka Dhuuso Mareeb Maanta Kala Baxay Qof Dhaawac Ahaa

Wararka aan ka helayno Magaalada Dhuuso mareeb Ee Gobolka G/gaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Ahlusuna Waljamaaca ay saaka la baxeen nin dhaawac ahaan ujiifay Cusbitaalka Magaaladaasi.

Qofka dhaawaca ee lala baxay waxaa lagu magacaabaa Dhuunax Tahliil Ciise oo habeen ka hor dil ka geystay Duleedka Dhuuso mareeb.

Lama sheegin meesha ay la aadeen Ciidanka Ahlusunada Gobollada Dhexe ka arimiso ninka ay dhaawac ahaanta ukaxeysteen.

Dhuunax ayaa waxa uu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Daahir Samatar Faarax dilkaasina uu ka dhacayTuulada Takaabeeye Ee Dhuuso mareeb hoostagta.

Ehelada Marxuum Daahir Samatar ayaa doonaya in la khisaaso Gacan ku dhiigle Dhuunax Tahliil hadii kale uu Falka uu geystay Aano qabiil isku badeli karo mid la isku ugaarsado.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)