Ciidan AMISOM Ah Oo Markii Ugu Horeysay Gaaray Dhuuso Mareeb & Ahlusuna Oo Tiri…

Markii ugu horeysay waxaa magaalada Dhuuso mareeb Ee Gobolka Gal gaduud Ciidan Katirsan Midowga Africa Ee Howlgalka AMISOM ujooga Soomaaliya Meelo kala duwan.

Ciidankaan ayaa badelay Askar Itoobiyaan ahaa oo magaalada Dhuuso mareeb hore ujoogay islamarkaana ka amar qaadan jiray Maamulka Ahlusuna Waljamaaca.

Dad kusugan Dhuuso mareeb waxay sheegeen in maanta oo khamiis ah lagu Arkay Magaalada gudaheed Ciidan Itoobiyaan ah balse Ku shabadeysan tahay dharka iyo baabuurta ay wataan Calaamada Midowga Africa Ee AMISOM.

Waxa Askarta Itoobitaanka ah Ee Tegay Dhuuso mareeb ay yihiin kuwo ku howlgalaya Magaca AMISOM islamarkaana la sheegayo in wada shaqeyn iyo Is afgarad dhexmaray Ahlusunada Xukunta magaaladaasi ay ku gaareen Halkaasi.

Culimada Ahlusuna ayaa ka taliya qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe Ee Soomaaliya waxaana ay ka mid yihiin Garabyada Awooda Ciidan Leh Ee Ka jira Dalka dhowr mar ayeyna dagaalameen Al Shabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)