Home WARARKA Ciidamo careysan oo qabsaday qeybo kamid ah gobolka Hiiraan & Gaadiidka oo...

Ciidamo careysan oo qabsaday qeybo kamid ah gobolka Hiiraan & Gaadiidka oo loo diiday iney ukala gudbaan Sh/dhexe & Hiiraan (SABABTA)

1
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlada ay Maanta markale sameeyeen Gadood oo ay xirteen Wadooyin dhowr ah oo gobolkaasi ka tirsan.

Ciidamada ayaa gadoodka ka sameeyay Degmada Buuloburte ee Gobolkaasi waxaana la soo sheegayaa in ay xireen dhamaan wadooyinka degmadaasi.

Askarta gadoodka sameeyay ayaa gaaray 200 oo Ciidan waxaana qaarkood ay u soo aadeen Dhanka Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa ah kuwo ku xareysnaa Xero ku taal degmada Buuloburte oo uu tababar uu uga socday inkastoo ciidamadu ay sheegeen in tobarka uu u dhamaaday mudana aysan qaadan wax xuquuq ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Booliska Xaafadaha Magaalada Baledweyne ay ka sameynee gadood nooca oo kale ah inkastoo saraakiisha Boolika gobolkaasi ay beeniyeen in ay jirto ciidan gadood sameeyay.

Arrimaha gadoodka iyo xuquuq kamaqnaashaha Ciidamada Dowlada ay ka cabanayaan ayaa ah mid uu ka caroonayo madaxweynaha soomaaliya oo isagu horey u sheegay in shaqaalaha dowlada iyo ciidamada mushaarkooda uusan aheyn hadiyada.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here