Ciidamda Dowlada Oo howl galo culus kasameeyay xaafado katirsan Degmada Dharkeenleay

Xaafado ka tirsan degmada dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa Xalay Ciidamada dowlada Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen baaritaano.

Xaafadaha Dabakaayo madow, Xoosh, Suuq Boocle, iyo kuwo kale ayay Ciidamadu ka sameeyeen Howlgaladaas, iyagoona guri guri ubaarayay.

Dadka ku sugan degmada dharkeenley ayaa Badweyntimes u sheegay in baaritaanadaasi ay Ciidamadu xalay ku soo qabteen dhalin yaro badan.

Ciidamada ayaa goob fagaaraa iskugu keenay dhalin yaradaasi iyaga oo su’aalo weydiinayay.

laamaha amaanku wali kama hadlin howlgaladaas iyo cida ay kusoo qabteen.

Habeynadii lasoo dhaafay waxey Ciidamada amaanku ka sameynayeen degmooyinka iyo xaafadaha  magaalada Muqdisho howlggalo baaritaano ah, iyaga oo ku soo qabanay dhalinyaro ay sheegeen in looga shakisanyahay falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here