Ciidamada Xasilinta oo laga Sameeyey Garowe & Howlgalkii Muqdisho oo La Wareejiyey

Ciidamo loogu magac daray xasilinta Ayaa waxay Howlgal ka wadaan Xaafadaha Magaalada Garowe Ee Caasimada Maamul Gobolleedka Puntland.

Waxay Ciidankani oo aad ufeejigan baaritaan gaar ah ku sameenayey Gaadiidka Raaxada ah waxaana ay qaarkood ka fujinayeen Bacda ku dahaaran Muraayadaha Ee Beersolka (Beensalka).

Sidoo kale waxay ciidanka dadka baabuurta la socda ay soo dejinayeen kadibna su’aalo weydiinayeen,taasi oo lagu tilmaamay in Nabad gelyada lagu Xaqiijinayo.

Hore Howlgalka Xasilinta ayaa Afarti Bil Ee Lasoo dhaafay uga dhaqan Galay Muqdisho oo Ah Caasimada Soomaaliya waxaana hadda loo weeciyey Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland.

Warar hoose aan Heleyno waxey sheegayaan in Kismaayo iyana looga dhawaaqi doono Howlgalka Xasilinta laguna baahin doono dhamaan Maamul Gobolleedyada Dalka.

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu sheegay dhawaan inay doonayaan Soomaaliya oo Nabad noqota Laas Caseyr ilaa Raaskambooni.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)