Ciidamada Jubbaland oo Dagaal kula wareegay Degaan ay ku xooganaayeen Ururka Al-shabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamada Maamulka Jubba-land ay la wareegeen Deegaanka Tuulo-barwaaqo ee hoos-timaada degmada Balad-xaawo ee Gobolkaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Jubba-land oo wata Gadiidka dagaalka ay gudaha u galeen Deegaanka Tuulo-barwaaqo ee hoos-timaada degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, islamarkaana ay saacado kahor ay isaga baxeyn Ciidamada Al-shabaab, waxayna sheegeen in dagaal saacado kooban uu tuulada ka dhacay.

Deegaanka Tuulo-barwaaqo ee hoos-timaada degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo waxaa dhawaan weerar xoogan ku qaaday Ciidamada jubba-land waxaa halkaas lagu Taliyihii Al-shabaab ee Gobolka Gedo C/laahi Qanaas., inkastoo Al-shabaab aysan xaqiijinin dilka Taliyaha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)