Ciidamada Dowlada oo Howlgaladii Ugu Culusaa Kadawada G/shabeelaha Hoose

Ciidamada Dowlada Gaar ahaan kuwa xooga Dalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabellada Hoose.

Deegaanada ay howlgalada ka wadaan ayaa waxaa ka mid Bariiri, Tooratoorow iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabellada Hoose.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in ay Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ka tirsan Gobalka oo ay joogaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen  deegaanka Bariiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here