Home WARARKA CIIDAMADA DF oo Howlgallo Guri guri ah ka sameeyay Wadajir & Dharkeenley

CIIDAMADA DF oo Howlgallo Guri guri ah ka sameeyay Wadajir & Dharkeenley

1
0

Ciidamada DF Soomaaliya ayaa howlgallo aan caadi aheyn ka sameeyay xaafado kamid ah magaaladda Muqdisho, iyadoo howlgalkaas lagu bartilmaameedsaday xaafadaha qaar ee degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Dad ku sugan Dharkeenley ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo aad uhubeysan ay isku fidiyeen xaafadaha degmadaas, waxaana ay galeen guryo badan.

Meelaha sida aadka ah howlgalka uga wadaan ciidamada DF waxaa lagu sheegay iney tahay xaafada Kaawa Godey ee degmada Dharkeenley.

Warar kale oo naga soo gaaray degmada Wadajir ayaa sheegaya in ciidamada DF ay halkaas ka sameeyeen howlgal xoogan.

Lama oga dadka lagu soo qabtay howlgalkaas oo ah mid si qorsheysan ay ufuliyeen ciidamada DF Soomaaliya.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here