Ciidamada DANAB oo Gacanta Kudhigay Rag Katirsan Al-shabaab…

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa waxaa lasoo sheegayaa in saakay ay hawlgallo ka wada deegaanka Camaaro ee koonfurta gobolka Mudug, waxayna Camaara iyo deegaano hoos taga kasoo qabteen dad la la sheegay inay la shaqeynayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidanka Danab oo saakay aroortii gudaha u galay deegaanka Camaaro, ayaa soo qabtay Seddax nin oo la sheegay inay la shaqeynayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanka Camaaro oo qiyaastii 85 KM waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa wali baaritaano guri guri ah ka wada ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab.

Guddoomiyaha deegaanka Camaaro Sheikh Yuusuf Salaad oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamadu wali deegaanka ka wadaan hawlgal lagu baacsanayo dadka xariirka la leh Al-Shabaab, isla markaana ay hadda gacanta ku hayaan Seddax nin oo la tuhunsanyahay inay la shaqeynayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here