Ciidama Kawada Tirsan DFS oo Isku Horfadhiya Xaafada Jaamacadaha Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo

Wararka ka,imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Laga cabsi qabi inuu dagaal culus ka dhex qarxo Ciidamada Dowladda iyo Dadka deegaanka Jaamacadaha.

Sida ay wararku nagu soogaarayaan  Wasaaradda Waxbarashada ayaa dadka dagan Xaafadda Jaamacadaha oo u dhow Seybiyaano u sheegay inay isaga guuraan halkaas muddo 7 Maalin ah oo ku akeyd Shalay.

Dadka deegaanka oo u badan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Ilmo ay dhaleyn ayaa arrintaas ka hor imaaday, waxayna Xaafadaha Jaamacadaha noqotay mid ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo farabadan oo sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay soo weerarto.

Taliyaha hogaaminaya Ciidamada halkaas ku sugan ayaa sheegay inay kasoo baxeyn furumaha dagaalka AL-Shabaab kadib markii ay maqleyn in Ciidamo ka tirsan dowladda ay rabaan inay dadka ka saaraan Xaafadda Jaamacadaha oo ah meel ay dagan yihiidn dad aad u farabadan.

Taliyaha ayaa sheegay inay dhiigooda u huri doonaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka halkaas dagan oo u badan ilmo ay dhaleen askarta Dowladda ee safka hore kaga jiro dagaalka lagula jiro   Xarakada Al-Shabaab.

” Ma aqbali karno in ay nasoo weeraraan ciidamo ka tirsan Dowladda anagoo difaacyo hore ku maqan, waxaana u diyaar garownay dagaal culus oo xataa qaadan karo bilooyin” ayuu yiri taliyahaas oo diiday in magaciisa loo isticmaalo warbaahinta.

Ciidamada halkaas ku sugan ayaa qiyaas ahaan gaarayo illaa 200 oo askari oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka iyo Gaadiidka dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here