Chris Reynolds oo loo magacaabay xil weyn oo Soomaaliya saameyn kuleh

Reynolds waxaa loo magacaabay Madaxa Howlgalka EUCAP Somalia. Wuxuu shaqada kala wareegayaa Maria-Cristina Stepanescu oo ka socotay Dalka Romania isla markaasina ahayd madaxa howlgalka laga soo bilaabo 1dii Sebtember 2016.

Chris Reynolds, oo ah muwaadin u dhashey dalka Ireland, ayaa ahaa ku-xigeenka madaxa howlgalka islamarkaana ahaa Madaxa Shaqaalaha illaa iyo Janaayo 2019. Sanadkii 2016-2017, wuxuu ahaa madaxa howlgelinta. Sidoo kale, wuxuu horay uga soo shaqeeyey Ciidamada Badda Ireland iyo Ilaalada Xeebaha Ireland.

Waajibaadka shaqo ee EUCAP Somalia  ayaa ah in kor loo qaado awoodda sharci-fulinta madaniga ah ee dhanka badaha Soomaaliya iyadoo maasuuliyiinta Soomaaliya laga taageerayo sidii loo horumarin lahaa shuruucda lagama maarmaanka ah, xoojinta silsilada cadaalad-marinta dembiilaha ee dhanka badaha, iyo bixinta tababaro iyo qalabeyn.

Howlgalku wuxuu sidoo kale talo-bixin dhanka siyaasadda ah siiyn doonaa Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya iyo Booliska, iyadoo la taageerayo dadaallada Midowga Yurub iyo hawlgalayaasha kale ee caalamiga.

Waajibaadka shaqo ee Hawlgalkan wuxuu socon doonaa illaa 31ka Diseembar 2020, mudadan, waxaa kharash ahaan ugu baxaysa miisaaniyad lacageed dhan € 66.1 milyan inta u dhaxaysa 1 Janaayo 2019 illaa 31 Disembar 2020.