Caqabadaha ka dhalan kara amaradii Somaliland ee ka dhanka ahaa Soomaaliya

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo shalay kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada.

Hadaba, Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Dafac” oo daba socday amarkaa yaabka leh ee ay soo saartay xukuumada Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay caqabadaha uu Madax-banaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amarkaasi ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka dhawaajiyey in xeerka saxaafada Somaliland uu awooda xulashada wararka iyo kala horeysiinteedaba uu siiyay Tifaftiraha hay’adaha warbaahineed ee kala duwan, isagoona amarka wasiirka warfaafinta ku tilmaamay mid uu fara-galin ku sameeynayo madax-banaanida warbaahinta.

Garyaqaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Amarkaasi uu hoos dhac weyn ku keeni karo tartankii ka dhaxeeyay warbaahinta Somaliland iyo kuwa kale Geeska Afrika, midaasi oo ku tilmaamay inay lumin doonaan Soomaali badan oo dunida daafaheeda ka fiirsan jirey wararkooda, wuxuuna yiri:

“Xeerka Saxaafada Somaliland marka uu ka hadlayo qaabka loo gudbinayo wararka iyo barnaamijyada waxa uu awood buuxda siinayaa Tifaftiraha inuu leeyahay awooda qaabka uu u kala horaysiinayo wararkiisa, markaa cid kale oo awood u leh inay go’aamiso ama ay faragaliso go’aanka Tifaftire-nimeed (editorial decisions-ka) ma jirto, waxa iska leh Tifaftirka, wixii taa ka soo gudba waxay noqonaysaa faragalin in la faragalinayo warbaahinta madaxabanaan shaqadoodii ay qabsanayeen”.

“Madaxbanaanida u weyn ee warbaahini heli kartaa waa shaqada Tifaftirenimo oo ah inay iyagu ka go’aan gaadhaan siday u kala horaysiinayaan, iyaga oo ku go’aan gaadhaya qiimaynta wararkaasi ay kala leeyihiin, taasi waa caqabada koowaad ee ay yeelaynayso”.

“Caqabada labaad ee ay keeni doontaana waxa ay tahay inay dhib badan ku keeni doonto Warbaahinta Somaliland meeqaamka ama tartanka ay ku leeyihiin Geeska Afrika, waayo hadii lagu soo koobo inay Somaliland oo kaliya wararkooda ay soo horaysiiyaan waxay keenaysaa in dadka Soomaalida ee Somaliland ay ku jirto aanay eegin ama aanay daawan Telefishanada Somaliland oo ay eegaan Telefishanada Somalia oo iyagu wararka labada dhinacba ka soo diraya, markaa tartankii ay ku jireen warbaahinta Somaliland-na hoos ayay u dhigaysaa oo khatar ayay galinaysaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Ta saddexaadna waxay ka soo horjeedaa dabeecada Warbaahinta, dabeecada warbaahintu wararka u gudbisaana waxa weeyi qiimaha wararka ay soo gudbinayaan ayay markaasi ku xidhan tahay, Matalan waxa laga yaabaa warbaahinta adduunka war ka dhacay Xamar inuu Lambarka koowaad u yahay, ama war ka dhacay Maraykanka inuu warka koowaad u yahay”.

“Markaa waxay ku xidhan tahay nooca warku uu yahay. Hadii lagu soo koobo war waxay noqonaysaa qaab faaf-reeb ama censorship oo laga xadidayo waxaanay sheegay iyo waxay sheegi doonaan”.

“Arinta kalena waxa weeyaan Shaqada Wasaarada Warfaafintu, Wasaarada Warfaafintu Tifaftiraha Guud ee Warbaahinta Somaliland maaha, waxay u xilsaaran tahay inay horumariso oo ay kobciso Warbaahinta Xitaa waxaanay xaq u lahayn warbaahinta Dawladda ee ay ka midka yihiin Idaacada iyo Telefishanka inay u sheegto qaabka ay u waramayaan”.