Cambuurka arooskeeda oo lagu qiimeeyay todobaatan iyo shan kun oo dollar ($75000)

Xaaska amiirka reer Britain Harry ee dhawaan guursanaya Meghan Markle ayaa dalbatay cambuurka arooskeeda kaas oo kharash ahaan uu ku baxayo ($75000) todobaatan iyo shan kun oo dollar.

Cambuurkan oo aan aheyn mid diyaarsan balse dalab ah ayay gabadhu ka aragaty internetka, waana ay kaga dhagtay, waxaana sameysa shirkad lagu magacaabo Ralph & Russo.

Kensington Palace ayaa warbaahinta u cadeysay in cambuurkan uusan gadeynin qoyska reer boqor balse ay lammaanaha isguursanaya ay jeebkooda ka bixinayaan lacagtaasi.

Cambuurkan ayaa ah mid gacan lagu sameynayo, waxaana uu qaadanyaa diyaarintiisa in ka badan 3000 oo saac (saddex kun oo saac).

Lammaanahan ayaa is guursanaya 19-ka misha May ee sannadka 2018.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay