CAJIIB:- Xildhibaan Weekiyo oo arrin la yaab leh ka yiri Go’aankii Donald Trump ee Mamnuucida Qaxootiga.

Ex  Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xasan Weekiyo oo ka mid ahaa Xildhibanadii KMG ee dalka soo maray ayaa waxa uu ka hadlay go’aanki dhawaan Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu kumamnuucay Qaxootiga 7 Dal oo dadkooda ay Muslimiin yihiin oo Soomaaliya ay ku jirto.

Masuulkaan ayaa go’aankaas waa uu ku tilmamay mid Wanaagsan islamarkaana Soomaalida Xayiraadda la saaray iyo kua Damacoodu yahay in ay u safraan dalkaasi ay ku soo laabtaan Dalkooda.

Sidoo kale Ex Xildhibaan Weekiyo ayaa xusay in marka hore loo baahan yahay in Soomaalidu ay gartaan  in Madaxweynaha Maraykanka ee go’aankaas soo saaray uu isagu leeyahay dalkaas ayna ka fikiraan in Dalkooda Hooyo  in ay dhistaan kuna soo dabaalaan Nabad Gelyo  ay waxtar u yeelan doonto.

Go’aanka Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Donald Trump ee Mamnuucida Qaxootiga Muslimiinta ayaa si weyn u saameeyay Dad fara badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo Qaxooti ku ah Dalka Maraykanka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)