CADEYN: Warqado Lagu Daadiyey Islii Looguna Hanjabay Mas’uuliyiintii Qalbi Dhagax Udhiibay Itoobiya

Warqado aan Sumad ahaan Calaamadeysaneyn ayaa lagu daadiyey qeybo ka mid ah Xaafada Islii Ee Soomaalida ku badan tahay Magaalada Nairobi.

Waxaa Warqadaan ku qornaa Erayo loogu goodinayey Mas’uuliyiintii ka dambeysay dhiibistii C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi dhagax.

Si gaar ah waxaa arintaan looga hadlay Xildhibaanada diiday in laga doodo Baarlamaanka ay sheegeen in hadii Muqdisho kula xisaabtami doonaan meelo kale oo ay Kiiskaasi ku furi doonaan.

Erayada qaar waxaa ku jiray Geeraar ahaan islamarkaana loogu hanjabayey Mas’uuliyiinta Baarlamaanka Ee Xukuumada ku taageeray Arinta C/kiriin Qalbi dhagax.

Kooxda Kacdoon wadayaasha ah ayaa waxa la sheegay in ay Qalbi dhagax ay yihiin kuwo udoodaya,islamarkaana ay qaban qaabinayaan Kacdoon Shacab oo ay ugu doodayaan C/kiriin Sheekh Muuse

HOOS KA AKHRISO WARQADA LAGU ARKAY MAGAALADA NAIROBI XAAFADA ISLII


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)