CADEYN: Shariif Xasan oo Dekada Baraawe U gacan Gelinaya Dawlada Imaaraat-ka

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Heshay Baahin ayaa sheegaya in Dekada Baraawe loo gacan gelin doono Dawlada Imaaraat-ka Carabta.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay inay Mashaariic badan ku heli doonaan wareejinta Dekadaasi.

Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la kulmay Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Iskutaga Imaaraatka Carabta xilli uu kusugnaa Dubai.

Waxa uu Shariifka sheegay inay doonayaan sii xoojinta wada shaqeyn Ee Maamulkiisa iyo Dawlada UAE ka dhaxeeya.

Hadii ay suurta gal noqoto Arintaan waxay ka micno tahay in Galaangal ballaaran Imaaraat-ka ku yeelanayo Soomaaliya Xilli Dekada Ber bera iyo Tan Boosaaso loogu gacan geliyey hadana Baraawe uu ubisan bisoonayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay