Cabsi iyo Walaac Shacabka Muqdisho ka heysta inay Habeenkii socdaan.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa cabsi iyo walwal xoog leh ka muujiyay  Kooxo hubeysan oo Afduub ka wada qeybo ka mid ah Magaalada.

Degmooyinka qaar ayaa xilliga habeenkii ah waxaa laga mamnuucay in ay maraan Mootooyinka loo yaqaano bajaajka, maadaama ay korortay afduubka loo geysto dhalinta.

Shalay wiil yar ayaa waxaa laga soo afduubtay degmada dayniile ee gobalka banaadir, iyadoo Kooxdii Burcada aheyd ee wadatay wiil ay ku tuureen degmada hilawaa ee Gobalka banaadir.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan afduubka ku soo kordhay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here