Cabdiraxman Baadiyoow Oo Muqdisho Ololaha Ka socday walaac ka muujiyey

Siyaasiga Cabdiraxman Macalin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa sheegay in Muqdisho dhufeys siyaasadeed uu ka jiro.

Mr Baadiyoow oo laacibiinta Nabad iyo Nolol ka mid ah ayaan la ogeyn inuu sanadka 2021 isa soo sharaxo.

“Anigoo ka maqnaa 75 maalmood Muqdisho, maanta ayaan kusoo noqday. Waxaan iimuuqata siyaasad kacsan, olole doorasho iyo far isku fiiqfiiq aan xad laheyn. Sida aan ka bartay siyaasiyiinta, isriix riix iyo buulo-xoofteyn ka dib, waxey ku dhamaaneysaa IA heshiis. Towfiiq iyo kheyr.”