Cabdi Xaashi Oo Markii Ugu Horaysay Si kulul Oo ga Hadlay Khilaafka Laba Gole Ee BFS Sheegayna In Uu….

Cabdi Xaanshi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Aqalka hoose ee Golaha Shacabka BFS in ay cag-jiidayaan dhameynta khilaafka wada shaqeyn la’aaneed ee u dhaxeeya labada Aqal, kaddib khudbad uu maalintii shalay ka jeediyay furitaanka Kalfadhigii 5aad ee Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyey sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen labada Aqal, islamarkaana qoraalo arintan ku saabsan uu u diray madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Jawaari iyo kan hadda Maxamed Mursal, balse qoraaladaasi aan wax jawaab ah laga bixin.

Waxaa uu intaasi ku daray hadalkiisa in Aqalka Sare uu diyaar u yahay in waxwalba oo dhaawici kara wadashaqeyn wadahadal lagu xaliyo, balse uu Golaha Shacabka ka waayey in uu la qaato arrintaas.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa haatan ka dhaxeeya khilaaf, iyada oo Golaha Aqalka sare ay xiriirka wadashaqeyn ay u jareen Golaha Shacabka,waxaana xusid mudan in dhowr bil ka hor uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in uu xalinaayo balse aysan suurtagelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here