Cabdi kariin guuleed oo DFS Kadalbaday In Ay Fursad Kale Siiyaan..

Madaxweynihi hore ee maamul goboleedka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay dhexdhexaad ka ahaato xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, isla markaana ay fursad siiso dadka gobolkaasi.

Cabdi kariim Guuleed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in muhiim tahay in Shacabka dega Galmudug ay ka fikiraan mustaqbalkooda, islamarkaana hormarkooda ka shaqeeyaan.

Sidoo kale Mr Cabdi Kariim ayaa waxaa uu ka hadlay shirka Nabada ee ka socda Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, waxaa uuna sheegay in shirka looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka jira Galmudug.