Cabdi Jiinoow Calasoow oo Afka Furtay & Xog uu Ka Bixiyey Waxa ka Socda Sh/Dhexe

Gudoomiyihii Hore Ee Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa waxa uu ka hadlay Dagaal Beeleedyada kusoo laab laabtay Gobolkaasi.

Siyaasiga Cabdi Jiinoow oo wareysi siiyey Idaacad ku taalla Muqdisho waxa uu tilmaamay in laga gaabiyey wax ka qabashada dagaal beeleedyada soo noqday noqday.

Waxa uu ku Eedeeyey Maamulka Hadda jira inaysan Aqoon badan ulaheyn kala dhex gelida Beelaha dagaalamaya taasi awgeedna uu ku baaqay in waxgaradka doorkooda ay muujiyaan.

Eng.Cabdi Jiinoow ayaa sheegay in Si dhab ah loo wajaho isku keenida beelaha is haya Ee Deegaan Wadaaga ah oo Walaalnimadoodii dib loo soo celiyo lana heshiisiiyo.

Waxa uu qiray in Markii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ay dagaal beeleedyada dhici jireen balse ay xal deg deg ah ka gaari jireen isagoo Eedeyn ujeediyey dadka hadda maamulka haya oo ku fashilmay xal ukeenida dhinacyada dagaalamaya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)