C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyay in DF looga guuleystay siyaasadda J/land lana jabiyay xayiraadii

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Kismaayo ka sheegay iney jabtay xayiraadii Dowladda Federaalka ay saartay Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xaruta Gobolka Jubbada Hoose.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Kismaayo keliya loo tegin ka qeyb galka Xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland,balse loo baahan yahay in talo wadaag laga yeesho Xaaladda Soomaaliya.

Inta badan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ee markii hore laga hor istaagay tegitaanka Kismaayo ayaa maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Kismaayo halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay,halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan Xafladda caleema saarka oo maalinta sabtida ah dhaceyso.

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa dhammaantood eedeyn kulul oo ku aadan iney caburineyso Maamul Goboleedyada u jeediyay Dowladda Federaalka,waxayna ku baaqeen isbedel siyaasadeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulamada kaliya aysan aheyn kuwo looga hadlayay arrimaha la xiriira caleema saarka,hayeeshee ay jiraan ama ay macquul tahay inay sameystaan madaxl isbaheysi ah oo ka dhan ah Dowladda federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ee dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam oo Caleema saarkiisa ay u joogaan Kismaayo wufuuda kala duwan ayaa Madaxda hore iyo Siyaasiyiinta kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland iyo qodobo kale.