C/raxmaan C/shakuur oo kashifay xog xasaasi ah oo aan laga ogeyn xaalada Beladweyne xili xiisada sii korortay

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay dagaalka iyo rabshadaha maanta ka dhacay magaalada Beladweyne oo uu ku eedeeyey iney masuul ka tahay dowlada Somalia.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in DF uu horey u siiyey talo muhiim ah, taasoo aheyd in doorashada Hirshabelle ka hor loo qabto beelaha shir dib u heshiisdiin ah balse taladaas ayuu sheegay in dhegaha laga fureystay.

Hoos ka akhriso  qoraalka C/raxmaan C/shakuur Warsame

Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay. Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray. Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya.

Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waa in uu meel uga soo wada jeestaa sidii looga hortegi lahaa fidnada maamulka muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo.