C.C. Shakuur” Xadgudubka maalin laha ah ee lagula kaco muwaadinka waxay dhaaftay Xadka,”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay xayiraadii mudada kooban ahayd ee maanta la saaray madaxweynayaashii hore oo maanta ku wajahnaa magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan,inkastoo wada hadal dheer ka dib la fasaxay.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xadgudubka maalin laha ah ee lagula kaco muwaadinka Soomaaliya ay dhaaftay xadka.

Ugu dambeyntii, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda iney dastuurka iyo sareynta sharciga ixtiraamaan.

 Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir:-

Waxaan si xoogan u canbaaraynayaa xadgudubka lagula kacay madaxweynayaashii hore ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo mudane Shariif Sheekh Axmad. Xadgudubka maalin laha ah ee lagula kaco muwaadinka Soomaaliyeed waxay dhaaftay xadkii, waxayna gaartay xaniinya taabad la tijaabinayo xadka dulqaadka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Muqdisho.

Waxaan madaxda dawlada ugu baaqayaa in ay dastuurkii iyo sarayntii sharciga ixtiraamaan, xurmada xilka madaxda qadariyaan, xisaabta ku darsadaan metelaada deegaanka.

Haddii aad sinaanta diidaan cidna sarayntiina aqbali mayso.