BreakingNews: Madaxweyne Donald Trump oo mar kale ka nixiyay muslimiinta Mareykanka Kadib Go’aankii….

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu udagaalami doono in maxkamada racfaan ay ogolaato in dalalka muslimka ah laga mamnuuco dalkaas.

Maxkamada racfaanka Mareykanka ayaa dhawaan diiday amarkii uu madaxweynaha dalkaas ku mamnuucay iney dalkaas galaan muslimiinta 7 wadan.

Hase ahaatee go’aan cusub ayuu goordhow Donald Trump soo dhigay bogiisa twitter-ka isagoo sheegay inuusan ka laaban doonin go’aankiisii hore si uu ubad baadiyo amaanka dalkiisa.

Trump ayaa yiri” Aan isku aragno maxkamada, Amaanka qarankeena khatar ayuu ku jiraa!

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili dad badan ay dalkaas galeen kadib markii ay maxkamada diiday go’aankii Donald Trump.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dadka Mareykanka ee taageersan Trump ayaa boqolkiiba 55 waxaa ay dalbanayaan in la mamnuuco dadka muslimiinta ah, halka 38 boqolkiiba ay diideen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)