BIGNEWS: Rooble oo ka hor yimid xubnihii Farmaajo usaaray Kiiska Ikraan tahliil

Ra’iisal wasaaraha Dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu caawa soo saaray waxa uu si cad uga hor yimid guddigii xalay uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo kaas oo kiiska ikraan tahliil la sheegay inay baaritaan kusameenayaan.

Rooble ayaa digniin udiray Taliyeyaasha Booliska,Xoogga Dalka iyo Nabad sugida ee lagu muujiyey warkii Farmaajo iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada isagoo kaga digay inaysan sameyn wax kasta oo lagu bur burinayo cadaalad raadinta Ikraan Tahliil.

Tani ayaa umuuqata mid sii cusleyn karta khilaafka udhaxeeya Farmaajo iyo Rooble xilli doorashada wejigeeda labaad la guda galay.