BIG+NEWS:- Qarax ka dhacay Duleedka Kismaayo iyo Khasaaro Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka Goob weyn waxaa maanta Qarax uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla Deegaankaasi waxaana uu waxyeelo gaarsiiyey Qaraxa dadkii Maqaaxida kusugnaa.

Qaraxa waxa uu ahaa miinada dhulka la geliyo taasi oo dhawaq ahaan laga maqlayey deegaanka oo idil.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay soo gaartay ciidan katirsan Maamulka Jubbaland oo qaraxa iyaga lala bartilmaameedsanayey.

Goob joogayaashu waxay sheegeen in Askar dhaawac ah ay arkeen oo gaadiid loo sii saarayo dhinaca Magaalada Kismaayo maadaama duleedka ay kaga beegan tahay Goob weyn Caasimada Gobolka Jubada Hoose.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxaasi waxaana ay Shabaabku ku faaneen inay dileen Sargaal katirsanaa Maamulka Jubbaland hase ahaatee aysan magac dhabin Sargaalkaasi iyo Xilka darajo ahaan ciidanka uu ka joogay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay