BIGNEWS: General Sheegoow Oo Sheegay Inuu Ka Bad baaday Isku Day Dil Oo…

General Sheegoow Axmed Cali oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu ka bad baaday isku day di loo lala damacsanaa.

Mid ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ah ee Muqdisho ayuu usheegay in Dableey Hubeysan ay tegeen Gurigiisa islamarkaana ay ka waayeen.

Xilliga ay Kooxdaasi tegayeen Gurigiisa ayuu sheegay inuu ka maqnaa ayna soo war geliyeen Dadka Deegaanka in la raadinayey.

Waxa uu sheegay in Shirqool loo dhigay lala doonayey in la dilo uuna garanayen cida beegsaneyso sida uu warka udhigay.

Generalka ayaa shalay waxaa Askari ilaaladiisa ka mid ah uu dilay Gabar 9 Jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Deeqo Daahir Cali oo Iskuulka Hoyga Xamar dhiganeysay.

Ma cada in Dilkaasi Gabadha Yar Ilaaladiisa ugeysteen iyo Falkaan gurigiisa lagu beegsaday inay isla xiriiraan,xilli dhowr jeer uu ka badbaaday Iskuday dil oo lala damacsanaa.

Magaalada Jowhar ayaa sanadkii hore 2017 waxaa xilli Habeen ah Xaafada Kulmis lagu dilay nin hubeysan oo lagu dhex Arkay Guri Uu General Sheegoow kusugnaa lana sheegay inuu doonayey Toogasho uu ku sameeyo Sargaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here