BIG NEWS: Universal TV oo Dood-wadaag Toos ah u qabanqaabisay Murashixiinta Madaxweyne oo saakayto qaadacay Dood-wadaagii Golaha Shacabka

12-kii Murashax Madaxweyne ee saakayto qaadacay Dood-wadaag ay qabanqaabiyeen Guddiga Doorashadda Madaxweynaha ayaa  ka qeyb galayo Dood-wadaag si si toos ah uga socota Telefishinka Universal.

Qaar ka mid ah Murashixiinta oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyey inay ku sugan yihiin Hotelka Al-jazeera, kana qeyb galayaan Doodaasi oo uu daadihinayo Weriye Cawil Daahir Salaad.

.12-ka Murashax Madaxweyne ee saakayto ka wada baxay Madasha Golaha Shacbiga waxay ka mid ah : Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan  Sheekh Maxamed Faroole, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”,  Zakariye Xaaji Cabdi, C/naasir Maxamed Cabdulle, Bashiir Raage Shiiraar, Saciid Ciise Maxamuud iyo Saciid C/llaahi Dani,

Tallaabadan ayaa weji-gabax ku noqon karta Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda Madaxweynaha oo iyagu ku fashilmay inay Murashixiintaasi ku qanciyaan si ay uga qeyb galaan Dood-wadaagii saakayto lagu qaban lahaa Xarunta Golaha Shacbiga Qaranka.

Guddoomiyaha Guddigaasi, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa duhurnimadii maanta iclaamiyey inay joojiyeen gebi ahaan Dooddii Murashixiinta.

Mar uu ka hadlayey waxa ay Murashixiintaasi qoonsadeen waxa uu xusay iyadoo ay maanta Internet la’aan ka jirtay Muqdisho la awoodi kari waayey in Doodda Murashixiinta si toos ah loogu baahiyo Telefishinadda.

Waxaana uu sheegay in ay Murashixiinta Madaxweynaha ay khudbadaha ka hor jeedin doonaan Xildhibaanadda Barlamaanka laga bilaabo maalinta Khamiista ee soo socota o oay taariikhdu noqonayso February 2-da ilaa 5-da.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka Guddiga Doorashadda ku laaleen Dood-wadaaga Murashixiinta Madaxweynaha ayaa noqon karta caqabad kale, iyadoo Murashixiinta saluugsan yihiin Dhexdhexaadnimadda Guddigaas, waa sida ay hadalka u dhigeen.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay