Home WARARKA Big News: Seefta MD Farmaajo oo dulsaaran Masuuliyiin uu ka mid yahay…

Big News: Seefta MD Farmaajo oo dulsaaran Masuuliyiin uu ka mid yahay…

1
0

Warar hoose oo soo gaaray Xafiiska Warqabadka Wakaalada baahin.net ayaa sheegaya in Madaxweynaha La doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu damacsan yahay Qorsho yaal uu xilka kaga qaadayo Masuuliyiin ka tirsan Dowladii Xasan sheekh.

In kastoo Farmaajo uusan weli si rasmi ah ula wareegin Xafiiska ayaa haddana waxaa soo baxaya in is bedel Muuqda uu qaadi doono Maalmaha ugu horeeya ee ah marka uu xilka si toos ula wareego iyadoo seefta ay dul saarantahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale.

Xubin ku dhow madaxweynaha oo diiday inaan xigano magacsiisa ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu damacsan yahay isbedel siyaasadeed iyo mid hogaamin, isagoona balan qaadkiisii siyaasadeed ay qeyb ka ahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ahaa shaqsi si aad ah ugu dhawaa Xasan Sheekh isaga iyo Xubno ka tirsan Maamulkiisa kuwaas oo lagu xasuusto in ay Qeyb ka ahaayeen Olalihii Xasan Sheekh Waday intii diyaar garowga doorashda socotay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here