BIG NEWS: Muwaadin Udhashay Dalka Nigeria oo Dunida Arin Ka Yaabin Doonta Soo Saaraya

Nin u dhashay dalka Nigeria oo lagu magacaabo Oshi Agabi ayaa soo bandhigay kumbuyuutar kiimiko lagu xiray oo wax uriya. Wuxuu arrintaasi ka sheegay shirka TEDGlobal ee Tanzania ka socdo.

Qalabka ayaa la baray sida wax loo uriyo, gaar ahaan waxyaabaha qarxa, waxaana loo adeegsan karaa in lagu badalo hannaanka duqoobay ee amniga garoomada diyaaradaha.

Ugu dambeyn qalabkan oo lagu magacaabo dubbed Koniku Kore, wuxuu maskax u yeeli karaa robot-yada mustaqbalka la soo saari doono.

Khubarada waxay sheegayaan in sameynta qalabkan ay dhibaato kala kulmi doonto suuqa kala iibsiga.

Dhammaan shirkadaha waaweyn ee teknolojiyadda, sida Google iyo Microsoft, ayaa hadda wada ol’ole ay ku sameynayaan qalab leh wax u dhigma maskaxda aadanaha oo waxkasta fahmi kara.

Ayadoo kumbuyuutarada ay meelaha qaar aadanaha uga wanaagsan yihiin, marka ay timaado xasuusta iyo mashquulka badan, haddana waxaa jira waxyaabo maskax wanaagsan u baahan:

In kumbuyuutar la baro in uu garto urta iyo waxyaabaha qarxa waxay u baahan doontaa awood iyo tamar aad u wayn oo kumbuyuutar uu ku shaqeyn karo.

Agabi wuxuu doonayaa in uu badalo awoodda biology-ga oo horey loo adeegsaday.

Wuxuu ku badalayaa awood yar oo kiimiko ah oo falgelin karta kumbuyuutarka. “Biology waa teknoloji,” ayuu yiri. “Dhammaan barashadeena qotada dheer waxay ka timaadaa maskaxdeena”.

“Kiimikada neuron-ka waxaa siin kartaa farriimo ku saabsan waxa la sameynayo. Anaga waxaan dooneynaa in aan u sheegno sida loo garto waxyaabaha qarxa.”

Wuxuu doonayaa in arrintan ay gacan ka geysato yareynta safafka dhaadheer ee garoomada diyaaradaha xilliga baaritaanka amniga la marayo.

Waxaa sidoo kale la doonayaa in qalabkan uu garto qofka xanuunsan iyo nooca jirada uu qabo. Wuxuu qabanayaa neefta bukaanka oo uu ka ogaanayaa xannuunka.

Qalabkan cusub oo muuqaal ahaan TED lagu soo bandhigay, weli si rasmi ah bulshada looma tusin.

Muuqaalka waxaa ka muuqday walxaha loogu talagalay in kumbuyuutarka uu wax ku garto oo Shaybaar laga soo saaro.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in uu hammi wayn ka leeyahay guusha barnaamijkan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)