BFS oo Doodii Qalbi Dhagax Soo Geba gabeeyey & Gudi Loo Saaray Inay Soo Baaraan

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Dood ka yeeshay Maanta Arinta C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax kaas oo si weyn loo hadal hayey Maalmihii Dambe.

Go’aan kama aysan qaadan Xildhibaanada balse dood Kulul ayaa laga yeeshay sida ay u arkaan Xildhibaanada Go’aankii Xukuumada ay ku sheegtay in ay ku saxneyd Dhiibista Muwaadinkaasi.

Xildhibaanada qaar Ee dooda aragtidooda ka dhiibtay Waxay si kulul U Eedeeyeen Xukuumada Xasan Cali Kheyre kuna sheegeen mid ku fududaatay dhiibista C/kiriin Qalbi dhagax.

Warar ayaa sheegaya in Xildhibaanada oo aan isku uur fiyoobeyn ay kulanka maanta wada fadhiyeen is ficil iyo weji isku badelna laga dhex dareemay gudaha Xaruntaasi.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa gudi usaaray soo baara Arintaan iyo sida ay wax udhaceen dibna ay Baarlamaanka ugu soo war celiyaan waxa usoo baxa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)