Banaanbax Laga Soo Abaabulay Villa Soomaaliya oo Ka Dhacay Maanta Muqdisho & Arinta Qalbi Dhagax Oo…

Dibad bax umuuqday mid laga soo abaabulay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa uu saaka ka dhacay Muqdisho kaasi oo lagu taageerayey Xukuumada R/W Kheyre.

Qaarkood dadka iskugu tagey Fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxay kaamiradu qabatay iyagoo ka dhuumanaya Sawirada oo wejigana Qarsaday.

Banaanbaxaasi waxaa la sheegay in Dawlada Soomaaliya lagu taageerayo islamarkaana tiro aan badneyn ayaana iskugu soo baxay Barxada Daljirka Dahsoon.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Iskusoobaxaan oo laga soo agaasimay Madaxtooyada Dalka Looga arimiyo uu salka ku hayo Arinta Qalbi Dhagax oo Baarlamaanka Labada Aqal loogu baaqayo inay ku taageeraan go’aanka Dawlada ka qaadatay udhiibistiisii Dawlada Itoobiya 28-kii Bishii Hore.

Banaanbaxayaasha ayaa watay Boorar ay ku masawiran yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ma jirin cid la hadashay dibad baxayaasha oo haween keliya ah oo tiradooda 30 Qof ka badneyn.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)