Ban Ki-moon oo sheegay inuusan ahayn Murashax Madaxweyne, Maxay tahay sababta ?

Xoghayahii Guud ee hore ee QM, Ban Ki-moon oo u dhashay dalka Koonfurta Kuurya ayaa maanta sheegay inuusan ku tala jirin inuu u tartamo Xilka Madaxweynaha.

Siyaasigaasi oo 72 jir ah waxa uu bishii hore ku laabtay dalkiisa hooyo, waxayna Warbaahintu sheegtay inuu indhaha ku hayo inuu u tartamo Hoggaaminka dalka Koonfurta Kuurya.

Ban Ki-moon marnaba kama biirin Xisbi Siyaasadeed, wuxuuna horey u ahaa Wasiirkii Arrimaha dibedda ee dalka Koonfurta Kuurya sannadihii 2004-tii ilaa 2006-dii.

Waxa uu xilka Xoghayaha Guud ee QM  hayey laga bilaabo bishii January ee sannadkii 2007-dii  ilaa bishii December ee 2016-kii.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)