Home WARARKA Baarlamaanka HirShabelle “Jowhar Habeenkii Cabsi Laga Qabo Al Shabaab Lama Jiifto”

Baarlamaanka HirShabelle “Jowhar Habeenkii Cabsi Laga Qabo Al Shabaab Lama Jiifto”

2
0

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Jowhar Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle ayaa looga hadlay Arimo dhowr ah.

Kalfadhiga 3aad Kulankiisa Koobaad ayaa waxa maanta xildhibaanada intooda badan diirada ay ku saareen wax ka qabashada Amniga iyo Cabsi soo foodsaartay Xarunta HirShabelle Ee Jowhar.

Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Cusmaan Barre Maxamed iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Canab Xasan Cilmi ayaana shir gudoonka ay ahaayeen kulankii maanta.

Xildhibaanada Qaar Ee Kulankaasi khudbadaha ka jeediyey waxay soo bandhigeen in wadadii udhaxeysay Xamar ilaa Jowhar ay Al Shabaab xirteen oo amni ahaan ay go’day weeraro dhacayey awgeed kuna baaqeen in wax laga qabto.

Waxay Xildhibaano ka hadlay Madashaasi ay soo bandhigeen in Habeenadaan Dambe Jowhar laga jiifan Cabsi laga qabay inay soo weeraray Ururka Al Shabaab,taasi oo ay deg deg ugu baaqeen in Amniga la sugo.

Baarlamaanka HirShabelle waxay kale ay soo jeediyeen in ciidan boolis ah la dhiso oo Amniga wax ka qabta iyo in la helo Ciidan Ka amar qaata Dawlad Gobolleedka HirShabelle maadaama Ciidanka hadda ay yihiin kuwo Dawlada Dhexe Hoostaga.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here