Askari Kenyan ahaa oo Ka Badbaaday Weerarkii Ceel Cadde, oo La Dilay+Ogow Qaabka Loo Dilay

Askari ka tirsanaa Ciidanka Kenya ee sanad ka hor lagu weeraray Ceel Cadde ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid ahaa Askartii Kenya uga dhimatay weerarkii Kulbiyow ee sanadkan.

Moses Mwakio; oo 40 jir ahaa ayaa Askartii Kenya ee Saldhiggoodu ahaa Mariakani,Kenya kaddibna loo wareejiyay Kulbiyow Somaliya.

Sida ay sheegtay xaaska uu ka dhintay waa markii 3-aad ee uu Somaliya aado,ugu dambeyna ku dhintay,waxa ay sheegtay in 2012-kii markii ugu horreysay loo diray Somaliya sanad kadib markii ay ciidanka Kenya galeen Somaliya.

Mwakio “waxa uu ka badbaaday weerarkii Ceel Cadde ee 2016-dii,kaas oo ay ku dhibteen 173 ka mid ahaa Askartii Kenya ee joogtay halkaas,waxaana uu mar kale dib ugu laabta Somaliya.

Sida ay qortay The Standard, hooyadii  Christine Mwaluwa,ayaa ka codsatay in uu ka baxo Ciidanka hayeeshee waa uu diiday.

Waxaa uu ku dooday markaas in uu Alle ka badbaadinayo baqdinta ay ka qabto in uu dhinto,waxaana uu ka sii mid ahaa Ciidankii Kenya ee Somaliya joogay.

Xaaskiisa ayaa labo maalin ka hor inta aan la weerarin Kulbiyow lahadashay,waxaana uu u sheegay in uu fiican yahay oo uusan dhib qabin,waxaa ay u heysaa 3 Carruur ah.

Maalin kaddib weerarkii Kulbiyow waxaa xaaskii laga soo wacay Wasaaradda Gaashaandhigga,waxaana lagu war geliyay in Odaygeedii ku dhintay Kulbiyoow.

Mwakio,hooyadii ayaa hadda Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyattagay ka dalbatay inay bixiso magdhowga wiilkeeda dhintay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)