Askari katirsan DF oo si naxariis daro ah udilay Nin Bajaaj watay & Wadaad ka bad baaday isku day dil

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidanka asluubta Soomaaliya uu dilay nin watay  Mootada loo yaqaanno Bajaajka ee Dadweynahu ay raacaan.

Askariga ayaa la sheegay in Ninka Mootoolaha ah uu ku Toogtay Bartamaha Magaalada,iyadoo aan la sheegin wax Sabab ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen askarigan dilka naxariis darada ah geystay waxaana la dhigay xabsiga dhexe

Dhanka kale koox hubeysan ayaa xalay isla magaalada ku dhaawacay mid kamid ah Culimadda laga yaqaanno Magaalada Baledweyne,iyadoo Kooxdii Falkaasi dhaawaca ah geysatay ay baxsadeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay